Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga Koofur Galbeed laga xoreynayo Shabaab
Jan. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiliga uu Koofur Galbeed ka bilaabanayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in wajiga labaad ee gulufka Shabaab dalka looga saarayo uu ka bilaabanayo deegaanada Koofur Galbeed oo kooxdaasi meelo badan ay ka heysato.
“Wejiga labaad ee howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ayaa dhawaan ka billaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tilmaamay in wajigii koowaad ee dagaalka lagu qaaday Shabaab uu soo bandhigay tabar darida kooxda, isagoo raja ka muujiyay in mudo kooban kooxda looga saaro deegaanada Koofur Galbeed.
“Waayo aragnimada aan ka helnay wejigii koowaad ee dagaalku waxa uu soo bandhigay itaal yarida Kooxda, Waqti ka yar kii hore ayaana kaga soo jeesandoonna wejiga cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha.
Si kastaba, Shabaab ayaa degmooyinka iyo tuulooyin badan ka heysata gobolada Sh.Hoose, Baay iyo Bakool oo Koofur Galbeed ah, waana meelaha laga soo abaabulo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.