Xasan Sheekh oo sheegay in bishan gudeheed la keenayo ciidamadda Eritrea ku maqan.

Dec. 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay xiliga rasmi ahaan dalka dib loogu soo celinayo ciidamadda tababarka ugu maqan dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo la hadlayay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in inta aysan dhamaan bishan December ay bilaabaneyso dib u soo celinta ciidamadda, bisha January ee sanadka cusubna la soo gaba gabeyn doono keenista askartan oo tababaro kala duwan soo qaatay.

“Dhalinyarada Eriteea jita mar dhaw wey imanayaan, bisha aan ku jirno ee Demecber inta aysan dhamaanin wey soo bilaabanayaan, Januaryna wey soo dhameystirmayaan, dib u dhac danbe ma rajeeneyno” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba jeer booqday ciidamadda ku maqan dalka Eritrea, isagoo madaxda dalkaasi kala hadlay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamadda oo sanadihii la soo dhaafay halkaasi lagu tababarayay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More