Xasan Sheekh;”Dadka lagu eedeeyay Musuqmaasuq waxa ay heli doonaan Caddaalad”
July. 14 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay masjidka ku dhex yaal Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in dadka lagu soo eedeeyay musuqmaasuqa ay heli doonaan caddaalad.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta hadlayay maalin kadib markii uu soo gabagaboobay shir uu la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin ayaa waxa uu ku booriyay
“Shaqsiyaadka wajahaya eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.Ha cararin haddii aanad tuug ahayn oo aadan waxba xadin,Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddayso inaadan wax dambi ah lahayn maaha dembi.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa qudbadiisa waxa uu sidoo kale ku soo hadal qaaday in culumaa’udiinka looga baahan yahay inay ka qeybqaataan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Isagoo ka hadlayay kulankii labada maalmood ugaga socday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in laga wadahadlay arrimo quseeya dalka uuna jiri doono kulamo kale oo ay siyaasiyiinta dalka ugaga wadahadlaan siyaasada dalka.
“Aniga ma ihi qof ra’yigiisa kaliya shaqeynaya waxaa la keeni karaa ra’yi keyga ka fiican.”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha dhamaystirka dastuurka waxana uu xusay inay muhiim tahay in la dhamaystiro dastuurka kadibna la horgeeyo baarlamaanka.
“Dastuurka ma aha mid dalka dibadiisa lagu dhamaystirayo oo dhaqaale loogaga raadinayo wadamada shisheeye,waxa uu noqon doonaa mid gudaha dalka fikirka dadweynaha laga soo ururiyo lagu dhamaystiro kadibna la geeyo golaha baarlamaanka.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in mustaqablka dalka uu wanaagsan yahay horumarna la gaari doono.