Xasan Sheekh:Dadweynow EVC la isku dirayo ayaa lacag laga goynayaa waa been

Aug 16 (Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka.

Khudbadda Madaxweynaha oo si toos ah looga baahiyey qaar ka mid ah telefishinnada madaxa banaan ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo maalmahan bulshada ka dhex guuxayay.

Ugu horreyn, Madaxweynaha ayaa ka hadlay cabashada ka timid dhalinyarada bajaajleyda ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo cabashadooda. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu uga digay dhalinyarada bajaajleyda ah in aan looga faa’iideysan abuurista qalalaase ama in lagu soo dhax dhuunto.

“Bajaajta adduunka caasimadaha adduunka intabadan kama shaqeyso annagoo og ayaan fasaxnay si dhalinyarada ay fursad u noqoto oo aysan dalkooda ka tahriibin.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
“Cabashada bajaajlayaasha wax badan oo ka mid ah waa la xaliyey, raali kama nihin wax iyaga dhibaya,inay noolaadaan ayaan dooneynaa dowladda FS iyo anoo madaxwynaha ahba oggolaan mayno waana saxaynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa uu so adag uga hadlay arrinta canshuurta IIBKA ee VAT-ga oo la filayo in maalinta berri ah la dhaqan geliyo.

Madaxweynaha ayaa ku amray ganacsatada inay canshuurtaas bixiyaan, isagoo xusay in canshuurtan aysan ahayn mid hadda la soo kordhiyey, balse ay ahayd mid horay u jirtay, waxaana uu sheegay qaar ka mid ah ganacsatada inay hore isku afgarteen Wasaaradda Maaliyadda, haddana la arkay ganacsato rabshado abaabulaya si ay u carqaladeeyaan dhaqangelinta canshuurta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in meesha laga saaray kooxihii tuugada ahaa ee hore ganacsatada u handadi jiray, kuwaas oo horey u qaadi jiray canshuuraha kala duwan, balse hadda la mideeyey canshuurta si nidaam rasmi ah loo maro. Wuxuu carabka ku adkeeyey inay waxba kama jiraan tahay in EVC-ga la canshuurayo, isagoo caddeeyey in canshuurta kaliya lagu soo rogay merchantiga ay meheradaha ganacsiga isticmaalaan.

“Canshuurta waa laga been sheegay balse nidaam aamin ah ayaan keenay,mana jirto in lacag evc lagu soo rogay balse halka ay canshuurtu saaran tahay waa ganacsatada ee ma ahan dadka caadiga ah.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta doorashada ayaa ku adkeystay in aysan suura gal aheyn in dib loogu laabto doorasho dadban, waxaana uu ku dhaliilay siyaasiyiin ku howlan arrintaas oo uu sheegay inay danahooda ka dhex arkaan doorasho dadban oo diiddan in awoodda shacabka loo celiyo

“Dalkaan doorasho dadban waa ka soo guuray u noqon maayo ilaahey idinkiis waa qof iyo hal cod waaye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda laga soo bilaabo illaa Gole deegaan waa la dooranaa”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay khilaafka dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday.

“Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.

Hadal Jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa timid kadib markii xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay warqad ay u qoreen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyagoo ka codsaday in ajendaha kulanka soo socda ee baarlamaanka lagu daro dood ku saabsan cabashada sii kordheysa iyo mudaaharaadyada ka dhashay cashuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More