Xasan Sheekh;”Dalka Doorasho qof iyo cod ayuu galayaa ka noqosho iyo ka tanaasulid lahayn”
Aug 09( Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka isagoo qudbad ka jeediyay salaada Jimce ee maanta masjidka ku yaal gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay in dalka uu galayo doorasho qof iyo cod ah oo aysan jirin wax ka noqosho ama ka tanaasulaad ah.
Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheekeeyay heerarkii ay soo mareen doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadihii la soo dhaafay isagoo xusay in dalka Soomaaliya uusan dagaal ka dhicin sida wadamada qaar ee dunida uu dagaal ka dhaco xilliyada doorashooyinka gaar ahaan doorashooyinkii ugu dambeeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku celceliyay in dalka uu doorasho qof iyo cod ah galayo iyadoo aan dib looga laaban doonin.
“Dalka Soomaaliyeed Doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan,dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo,”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xasan Sheekh.
“Waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka,waa suurtogal inay dhowr malyan ay codeeyaan,”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo carabta ku dhuftay inaysan suurtogal ahayn xilligan in Soomaalidoo dhan ay codeeyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xusay in loo baahan yahay in isbedel lala yimaado isla markaana sharciyada jira la waafajiyo duruufta hadda jirta;
“Shuruucdii nidaamkii ciyaarta doorashada lagu geli lahaa waa noo sameysan yihiin iyaguna waxay rabaan waxay in la waafajiyo cahdiga cusub iyo duruuftan cusub, waxana yaal sharciga doorashada waa yaalaa,sharciga xisbiyada waa yaalaa,sharciga guddiga doorashada waa yaalaa,duruufihii waa isbedeleen waqtigana waa isbedelay ,dadkii mas’uulka nooga ahaa inbadan oo ka mid ah waqtigaa ka dhacay,sidaa darteed waa in dib loo habeeyo shuruucdii lana waafajiyo duruufta dhabta ah ee maanta jirta.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qudbada uu ka jeediyay masaajidka maanta waxa uu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha isagoo sheegay in dalka ay ka socdaan mashaariic badan oo aysan ka jirin dhaqaale hoos u dhacay.