Xasan Sheekh;”Waxaan gogol u fidinayaa Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada”

Mar 29(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si aragtidooda iyo dadaalkooda qeyb uga noqdo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah oo u shaqeysa dastuurka iyo sharciyada u degsan.
“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa intaas ku daray inuu ugaga mahadcelinayo siyaasiyiinta garashadooda wanaagsan.

“Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallooyin maalmihii u dambeeyay ka imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa ahaa mid Madaxweynaha loogu jeedinayay inuu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More