Xiisadii gobolka Gedo oo dib usoo laba kacleysay kadib talaabo ay qaaday NISA

Jan. 21 (Jowhar.com)-Xiisadii Siyaasadeed ee ka taagneyd gobolka Gedo ayaa dib u soo laba kacleysay, xili todobaadyadii la soo dhaafay ay eheyd mid dagan.

Dib usoo laba kacleynta xiisaddan ayaa timid kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubaland loo diiday iney u duulaan gobolka Gedo, waxaana laga celiyay garoonka diyaaaradaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar oo ka tirsan xildhibaanada la celiyay ayaa warbaahinta u sheegay in markii labaad laga celiyay safar ay ku tagi lahaayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay kasoo jeedaan.

Waxa uu sheegay iney la hadleen taliyaha NISA ee Gedo Jamaal Xasan Tareey oo ay ka dalbadeen inuu ka qaado amarka uu siiyay diyaaradaha ee ah ineysan mudanayaashan tagin gobolkaasi.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in taliye Jamaal uu u sheegay in amarka looga hor-istaagay socdaalkooda uu ka soo baxay taliyaha NISA Mahad Salaad, lama oga sababta arrintan kadanbeysa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray wadahadalo hoose oo dowladda iyo Jubaland ka lahaayeen gobolkaasi Gedo oo afartii sano ee la soo dhaafay buuqeeda soo taagnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More