Xil C/llaahi Mire ”Masuuliyiin saaxib dhow la’ah MW Xasan ayaa colaad ka hurinaya Puntland.”
Mar 11(Jowhar)Mas’uuliyiin si gaar ah ugu dhow madaxweyne Xasan, kana tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ay ka wadaan qorista maleeshiyaad carqaladeeyay nidaamka maamul ee Puntland iyi dagaalka ay kula jirto argagixisada Daacish.
Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan golaha shacabka ayaa fadhigii maanta sidoo kale ka sheegay in maleeshiyaadkaasi lasiiyay mushaataadkii u horeeyay, kaasoo ay ka qatan yihiin macwuuleyda furimaha u joogta dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.
Waxa uu soo jeediyay in talaabadaasi laga joogsado, maadaama xiligan aan loo baahneyn in qalalaase lagu furo maamulka Puntland oo dagaal adag kula jiro kooxda Daacish oo deegaano dhowr ah laga qabsaday.