Xildhibaan Abiib oo si lama filaan ah uga hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish

Feb 08(Jowhar)Xildhibaan Maxamed Abiib oo katirsan golaha wakiilada ee Somaliland ayaa taageeray howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ay kula dagaalamayso kooxda ee Daacish.

Xildhibaan Abiib ayaa ku baaqay in Puntland lagu taageero dagaalkan oo ay ku difaaceyso diinta iyo dalka, isagoo u rajeeyay iney ku guuleystaan howlgalkan.

“Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow” ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Mr. Abiib ayaa dhinaca kale xukuumada Somaliland ugu baaqay iney muujiso taageerada dagaalkan, wuxuuna dhinaca kale laamaha amniga faray iney taxadar dheeraad ah muujiyaan, si Daacish firxadkooda aan usoo galin deegaanadooda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Abiib ayaa noqonaya qofkii koowaad oo kasoo jeeda dhinaca Somaliland, oo si cad u muujiya mawqifkiisa ku wajahan dabargoynta Argagixisada aan nolosha, horumarka & Nabadda u ogoleyn bulshada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More