Xildhibaan Macalimuu oo gaarsiiyay qalab caafimaad isbitaalka Buuloburte

Aug 05 (Jowhar.com)-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu Ayaa Qalab Caafimaad Ku Wareejiyay Maamulka Isbitaalka Degmada Buuloburte Ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabadii lagu wareejinayay agabkaan caafimaad maamulka isbitaalka degmada buuloburte ayaa waxaa goobjoog ka ahaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Buuloburte.

Qeybaha kala duwan ee bulshada degmada buuloburte oo ka hadlay halkaas ayaa uga mahadceliyay xildhibaan Macalimuu qalabkan aadka muhiimka ugu ah shacabka degmada Buuloburte ee uu soo gaarsiiyay xilli aad loogu baahnaa.

Xildhibaan Mohamed Ibraahim Moalimuu oo ka mid ah xildhibaanada federalka lagana soo doorto hirshabelle oo ka hadlay munaasabada qalabkan lagu wareejinayay ayaa ka codsaday maamulka iyo shacabka degmada buuloburte inay xafidaan qalabkan uuna yahay mid loogu adeegayo dhamaan shacabka soomaaliyeed ha noqdaan kuwa ku nool degmada Buuloburte amaba gobolada kale ee dalka.

“Markii iigu dambeysay ee aan imaado magaaladan ayaan arkay in isbitaalkii degmada uu burburay,dadkun aaysan heysan adeeg caafimaaad, ayaa igu dhaliyay inaan ku dadaalo sidii loo heli lahaa qalabkan oo dad badan oo jaaliyada Finland ka mid tahay ay gacan ka geysteen sidii loo keeni lahaa qalabkan Buuloburte.”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in degmada Buuloburte ay ka jirto baahi faro badan oo dhinacyada adeegga bulshada sida gawaarida gargaarka deg-degga ambalaas iyo gaadiidka dab-damiska.

Degmada Buuloburte oo ka mid ah degmooyinka faca weyn ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa muddo dheer waxaa go’odoomiyay Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More