Xildhibaan Xasan Firinbi oo raali gelin siiyay askari uu ugu gacan qaaday xarunta baarlamaanka
Dec 07(Jowhar) Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa raalli gelin siiyay Xuseen Maxamed Xasan oo ka mid ahaa Askarta Ilaalada Xarunta Golaha Shacabka, kaddib madkii uu gacan qaad u geystay.
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Habdhowraha Golaha ayaa qeyb ka ahaa dadaalka lagu xalinayay arrintaas, waxaana ay ugu dambeyn soo dhamaatay maanta oo Sabti ah.