Xildhibaanada kasoo jeeda Jubaland oo mooshin horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya

Mar 01(Jowhar)Dood adag ka socota fadhiga Golaha Shacabka JFS oo xildhibaannada Jubbaland ay horgeeyeen mooshin ka dhan ah Hey’adaha Amniga; iyaga oo dalbaday in la horkeeno Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada, si ay wax uga weydiiyaan xayiraadda socdaal ee la saaray Jubbaland.

Xildhibaannada ayaa sheegey in siyaasiyiinta iyo shacabka la saaray xayiraad socdaal, isla markaasna qol si gaar ah su’aalo loogu weydiiyo reer Jubbaland laga sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Khilaafka Jubbaland iyo DFS ayaa hadda galay fadhiyada Baarlamanka, waxaana la eegayaa halka uu saldhigto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More