Xildhibaanada oo ansixiyay xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka

Nov 16  (Jowhar)-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Villa Hargeysa kulan wadajir ah ku yeeshay ayaa ansixiyay xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Baarlamaanka ayaa xeerkaan ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, waxaana ogolaatay in la ansixiyo 173 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Gudoonka baarlamaanka ayaa intaasi kadib ku dhawaaqay inuu ansax yahay xeerkan, walow ay jireen xildhibaano mucaaradsanaa.

Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa waajibaadkiisu yahay xil gudashada iyo madax bannaanida guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana mas’uuliyadiisu tahay hirgelinta doorashooyinka heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada Aftida Dadweynaha iyo asteynta sohdimaha dalka, iyagoo raacaya Siyaasadaha iyo xeerarka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More