Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gudbiyay mooshin culus
Aug 17(Jowhar)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warqad ay u qoreen Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga codsaday in ajendaha kulanka soo socda ee baarlamaanka lagu daro dood ku saabsan cabashada sii kordheysa iyo mudaaharaadyada ka dhashay cashuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaannada ayaa waxay muujinayaan baahida loo qabo in wax laga qabto cabashooyinka ka imaanaya ganacsatada kala duwan, oo ay ku jiraan Bajaajleyda iyo ganacsatada Dekadda Muqdisho wax kala soo dega.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale walaac gaar ah ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka cashuuraha akoonnada tooska looga jarayo, oo ay Wasaaradda Maaliyaddu qorsheysay in fulinteedu hirgasho maalinta berri ah oo ku bregan 18-ka Agoosto.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in beri magaalada Muqdisho laga wado abaabulka banaanbax culus oo ay dhigayaan ganacsatada, waxaana qorshaha yahay in ganacsiyada beri albaabada loo laabo.