Xildhibaano Mooshin culus ka keenay Wasiir Fiqi

Sep 28 (Jowhar)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi waxay ka keeneen mooshin.

Sida ku cad warqada ay gudbiyeen, mooshinkan ayaa ku saabsan dib u eegid xilkiisa, iyagoo ku eedeeyay in Wasiirka curyaamiyay shaqadii Wasaaradda iyo arrimo kale.

Mudanayaadhan ayaa mooshinka u gudbiyay gudoomiyaja golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo dhawaan la filayo in la horgeeyo fadhiga baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More