Xiliga la dooranayo kursigii uu baneeyay taliye Mahad Salaad oo la shaaciyay
Jan. 28 (Jowhar.com)-Guddiga KMG ee doorashada Kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad.
Doorashada Kursigan ayaa la qaban doonaa 1 bisha Febraayo 2023, waxaana habraaca loo marayo yahay qaababkii Guddiyadii hore ee SEIT ee doorashada ka qabtay Dowlad Goboleedyada.
Kursigan waxaa hore Dhuusa-mareeb uga soo qaatay taliyaha NISA Mahad Salaad, sida dastuurka uu qabo Mahad ayaa xubininadan waayay markii lo9 magacaabay taliyaha NISA.
Kursiga HOP#147 muran badan kama jiro, waxa ka kacay Mahad Salaad oo noqday taliyaha NISA. Wuxuu ku biiray Mahad dhowr taliye oo hay’adda soo maray oo lumiyay kuraastooda xildhibaanimada sida; Sanbaloolshe iyo Xuseen Cismaan Xuseen.
Kursigan ayaa waxa la filayaa in uu kusoo bixi doono nin la yiraahdo Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo beesha iyo taliyaha NISA aanay diidaneyn sida aan kasoo xiganay dad xogagaal u ah howsha kursigan.