Xiriirka guud ee Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed oo musuq culus ku eedeeyay wasiirka shaqada Soomaaliya

Jun. 10 (Jowhar.com)-Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay eedo musuq oo ku wajahan wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuunada Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Si gaar ah waxa ay isu-dul taageen Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay tilmaameen in la musuq maasuqay.

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SOCOTU.

Waxa ay soo bandhigeen wadahadal gaar ah oo meel ka baxsan dalka ku dhexmaray wasiir Biixi iyo xubno ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO, kuwaasoo lagu saxiixay barnaamijkan, waxey sheegeen inuu jiro daraf sadexaad oo ka maqnaa shirkaasi oo ay eheyd inuu goobjoog ka ahaado saxiixa barnaamijkaasi

“Wada-hadallada ku saabsan mashruuca la xiriira barnaamijka shaqo hufan ayaa ahaa kuwo albaabadu u xirnaayeen isla markaana lagu sixiixey meelo ka baxsan Soomaaliya oo inta badan uu Wasiir Biixi kula kulmay madaxda Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) in kasta oo wada-hadalladani loogu talagaley in ay ahaadaan kuwo saddex geesood ah oo sharci ah,ayna goob joog ka noqdaan hay-adaha sharciga ee dalka, isla markaana dalka gudihiisa lagu qabto” ayaa lagu sii daray warka.

Waxa ay dhinaca kale ku taliyeen in baaris lagu sameeyo ergada uu wasiir Biixi u diray shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC) iyagoo muujiyay in ergo aan sax eheyn loo diray shirkaasi, taasoo qeyb ka ah arrimaha uu u xiran yahay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada.

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa kale oo uu aaminsan yahay in ergada Soomaaliya uga qayb-galaysa shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC) uu wasiir Biixi si hoose ugu qortay ergo jaabkiisa ah si uu ugu daboolo masuq maasuqa barnaamijka shaqo hufan ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku talinayaa in baaritaan buuxa lagu sameeyo sharci ahaanshaha xubnaha ergadaas”. Ayey warkooda sii raaciyeen.

Ugu danbeyntii, Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa u soo jeediyay reysal wasaare Xamza Cabdi Bare in uu si qoto dheer u baaro qaabkii ay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada u wajahday mashruuca shaqo hufan ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More