Xisbiga Jamhuuriga oo wado qorshe Ilhan Cumar looga saarayo guddiga arrimaha dibadda

Feb. 02 (Jowhar.com)-Xisbiga Jamhuuriga ee heysata aqlibiyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa isku diyaarinaya in uu Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto gobolka Mennisota ka xayuubiyo xubinnimadeeda guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda.

Hoggaanka Jamhuuriyiinta ee Koongareeska ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadayaan inay tahay, hadallo ay horey u jeedisay oo ka dhan ahaa Israel.

Ilhan Cumar ayaa horey raalli-gelin uga bixisay hadalladaasi oo loo arkayay in ay xanbaarsanaayeen Yuhuud naceyb.

Codeynta kama danbeysta ah ee ay xubnaha labada xisbi ka dhiibanayaan in Ilhan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in la qabto xilli dambe oo maanta oo Khamiis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More