Xisbiga Muxaafadka oo ku guuleystey doorashada ka dhacday Jarmalka
Feb 23(Jowhar)-Xisbiga muxaafidka ah ee Jarmalka ayaa ku guuleystey doorashadii qaranka ee dhacday Axadii balse waxaa kaalinta labaad ku guuleystey xisbiga midigta fog ee Alternative for Germany (AfD).
Hogaamiyaha xisbiga muxaafidka Friedrich Merz ayaa waxa uu ku qasban yahay inuu raadiyo xisbi ama labo xisbi oo uu isbahaysi la sameysto si uu u soo dhiso dowlad.
Hase yeeshee waxa uu Merz sheegay inuusan wax wadhadal ah la galeynn xisbiga Midigta fog ee AFD.
Merz, oo aan khibrad hore u lahayn xafiiska, ayaa lagu wadaa inuu noqdo ra’iisul wasaare, iyadoo wadanka ugu dhaqaalaha badan qaarada Yurub uu wajahayo hoos u dhac dhaqaale iyado iyadoo shacabkisu ay ku kala qaybsameen Soogalootiga.
“Caawa waanu dabbaal-degi doonnaa, berri laga bilaabana shaqada ayaanu bilaabaynaa”ayuu yiri Merz.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo saaxiibkiisa Elon Musk uu si isdaba joog ah u taageeray AfD intii lagu jiray ololaha, ayaa ku farxay guusha muxaafidka ah isagoo soo dhigey bartiisa Truth Social.
Xisbiga muxaafidka ah ee CDU/CSU ayaa ku guuleystay 28.4% codadkii la dhiibtay, waxaana ku xiga AfD oo helay 20.4%, ayaa lagu yiri saadaasha uu daabacay telefishinka ZDF.
Xisbiga ra’iisul wasaarihii hore Chancellor Scholz’s Social Democrats (SPD) ayaa helay natiijadoodii ugu xumayd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyagoo helay 16.4% saamiga codadka, Scholz wuxuu aqbalay natiijo “qaraar” ah, sida laga soo xigtay saadaasha ZDF, halka Greens ay heleen 12.2%.
Xisbiga bidix ee Die Linke ayaa helay 8.9% codadka.halka Xisbiga Dimuqraadiga Xorta ah (FDP) iyo xisbiga Sahra Wagenknecht Alliance (BSW) oo ku cusub ayaa ku dhawaad 5% ku dhawaaday in ay soo galaan baarlamaanka.
Tirada codbixiyayaasha oo la sheegay inay ahayd 83% ayaa ahayd tii ugu saraysay tan iyo xilligii labada Jarmal ay midoobeen 1990-kii.
Kumanaan Soomaali ah oo dalkaasi ku nool ayaa wadnaha farta ku hayay waxaana ka soo fuqday caawa neef kadib markii xisbiga aadka uga soo horjeeda soo galootiga uu ku guuleysan waayay doorashada inkastoo uu kaalinta 2aad galay.
Si kasta ha ahaatee hogaamiyaha xisbiga haatan ku guuleystey doorashada ayaa ah mid doonaya inuu raaco wadadii Madaxweynaha Maraykanka ee Trump ee dhinaca qaxootiga ama soo galootiga wadankaas.