Xisbiyada UPD iyo AK Party oo heshiis kala saxiixday

Jan 29 (Jowhar)-Xisbiga UPD ee Soomaaliya iyo Xisbita AK Party ee haya talada dalka Turkiga ayaa heshiis is afgarad ku kala saxiixday magaalada Ankara.

Heshiiska ayaa labada dhinac waxaa u kala saxiixay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UPD Xildhibaan C/raxmaan Odowaa iyo Guddoomiye kuxigeenka AK Party Mr Zafer Sirakaya, waxaana heshiiskan uu u gogol xaarayaa in labada xisbi ay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo ku aaddan: is-waydaarsiga khibradaha, aragtiyada iyo cilmi baarista; hindisaha iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasadeed, kobcinta xirfadda kaadirka iyo sare u qaadista wacyiga siyaasiga ah ee bulshada.

Is afgaradla labada xisbi ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay socoto u diyaar garowga nidaamka axsaabta oo Soomaaliya la qorsheyneyo inay markii u horeyso ka hana-qaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More