Xisbullah oo sheegtay in Fuad Shukr lagu diley duqeyn ka dhacday Beirut

Jul 31 (Jowhar.com)-Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in sarkaal ka tirsan kooxdaasi Fu’aad Shukr lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Beyruut.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ka fuliyeen Beirut lagu dilay Shukr balse Xisbullah ayaa horay u sheegtay in Shukr uu badbaaday.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in saddex qof oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay 74 kalena lagu dhaawacay weerarka ay millatariga Israa’iil ku tilmaameen hawlgal dil ah oo lala beegsaday Shukr, oo sidoo kale loo yaqaan Mohsen Shukr iyo al-Hajj Mohsen.

Weerarka oo ka dhacay goob dadku ku badan yihiin oo ku taal duleedka Beirut ayaa lagu weeraray xaafadda Haret Hreik ee u dhow xarunta Golaha Shuurada ee Xisbullah, oo ah hay’addeeda dhexe ee go’aan qaadashada.

Waxaa la rumeysan yahay inuu la taliye sare u ahaa hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah, sida uu Mareykanku horay u sheegay

Israel ayaa ku eedaysay Shukr inuu mas’uul ka ahaa gantaal lagu weeraray Majdal Shams oo ku taalla buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato Sabtidii.

Weerarkaas oo ay Xisbullah beenisay mas’uuliyadda ayaa sababay in 12 qof oo carruur u badan ay ku dhintaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More