XOG: Afar codsi uu madaxweyne Xasan Caawa ka dalbanayo xildhibaanada labada aqal

Oct 29  (Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa la filayaa in Xildhibaannada labada Aqal uu ka codsado inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, Sharciga ururada iyo xisbiyada Sharciga iyo Guddiga doorashadda, si uu billow ugu noqdo qorshihiisa doorasho qof iyo cod ee aan wali la isku raacsaneyn.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la weydiisan doono Xildhibaannada in aanay fasax gelin oo Kalfadhiga Baarlamaanka lagu daro waqti dheeraad ah oo u dhaxeeya 30-45 cisho oo lagu meel mariyo sharciyadaas.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka cashada ee Xildhibaannada kaddib ay isku imaan doonaan Madaxda saddexda dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, lana shaacin doono war murtiyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More