XOG: Isku shaandheyn lagu sameynayo xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya
Apr 22(Jowhar)-Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in isku shaandheyntan oo ah mid kooban ay saameyn doonto dhowr Wasaaradood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi (Kabiirka) ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo is bedelka Wasaaraddan uu markii labaad noqon doono muddo bil gudahood labo Wasiir isku bedelaan, iyadoo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Wasaaraddaas C/qaadir Jaamac looga bedelay cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.
Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa qofka loo magacaabayo ay dood ka taagan tahay. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa doonaya in xilkaas loo magacaabo C/salaan Cabdi Cali (Dhaay) oo hadda ah Ra’iisul Wasaare kuxigeen, halka C/rashiid Xasan Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga laga dhigo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.
Sidoo kale waxaa jirta aragti kale oo uu qabo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad, isagoo ka faa’ideysanaya daacadnimada Madaxweyne Xasan Sheekh in xilkaas loo Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabo shaqsi reer Mareykan ah oo la sheegay inuu ku dhow yahay xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, si ay dowladda Federaalka galaangal iyo taageero ugu hesha Maamulka Madaxweyne Trump.
haandheyn lagu sameynayo xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya
Apr 22(Jowhar)Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in isku shaandheyntan oo ah mid kooban ay saameyn doonto dhowr Wasaaradood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi (Kabiirka) ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo is bedelka Wasaaraddan uu markii labaad noqon doono muddo bil gudahood labo Wasiir isku bedelaan, iyadoo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Wasaaraddaas C/qaadir Jaamac looga bedelay cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.
Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa qofka loo magacaabayo ay dood ka taagan tahay. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa doonaya in xilkaas loo magacaabo C/salaan Cabdi Cali (Dhaay) oo hadda ah Ra’iisul Wasaare kuxigeen, halka C/rashiid Xasan Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga laga dhigo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.
Sidoo kale waxaa jirta aragti kale oo uu qabo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad, isagoo ka faa’ideysanaya daacadnimada Madaxweyne Xasan Sheekh in xilkaas loo Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabo shaqsi reer Mareykan ah oo la sheegay inuu ku dhow yahay xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, si ay dowladda Federaalka galaangal iyo taageero ugu hesha Maamulka Madaxweyne Trump.