XOG: Kulan qarsoodi ah oo Axmed Madoobe iyo William Ruto ku dhexmaray magaalada Eldoret

Feb 26  (Jowhar)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib safar hal cisho ah oo uu shalay ku tagay dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah safarka Axmed Madoobe ayaa ka dambeeyay, markii maalmo ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday Madaxweyne William Ruto inuu dhex dhexaadiyo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland, si dib uu u ugu soo laabto shirka Madasha Wadatashiga Qaran NCC oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay.

Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la isla soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirka NCC, iyadoo dowladda Kenya ay Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay inuu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay, hase ahaatee  Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ku adkeystay sadexda qodob oo ahayd doodda Jubbaland oo kala ah:-

1- Dastuurka Jubbaland in aan la  dhaafi karin isla Markaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, isla markaana aysan ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hey’addaha dowladda.

2- haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland

3- In guddiyada Doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer Federaal ah iyo mid heer Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More