Xog: Qodobada la isku mari la’yahay wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga
Aug 12( Jowhar.com)-Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya,kaasoo soo bilowday duhurnimadii maanta.
Waxaa la isku mari la’yahay qodobada qaar sida dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen RW Abiy Ahmed iyo Madaxneyne hore Farmaajo ee ahaa in afar Dekedood ay maalgashanayaan Itoobiya, kaddib booqashadii Abiy Ahmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018.
Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo Illaa hadda labada dhinac dhex maray.
Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.