XOG: Wadaad Soomaali ah oo noqday amiirka guud ee kooxda Daacish

Jan 07 ( Jowhar) Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Abdul Qadir Mumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta “Khaliifka” ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh.

Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Abdul Qadir Mumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya.

Si kastaba, Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysan yahay in Cabdiqaadir Muumin uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu abuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More