Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo deg deg uga baxsaday Israel

Oct 23  (Jowhar)-Xoghayaha Arrimaha-dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa hal-haleel kaga baxay Talaabiib, ka dib markii ay badatay tirada gantaallada Lubnaan ka imanaya ee soo gaadhaya magaaladaasi.

Blinken oo ku sii jeeda Sucuudi Careebiya ayaa weriyaasha u sheegey in loo baahan yahay; in la joojiyo dagaalka, xoogagga Falastiina ay siidaayaan maxaabiista YH.

Reuters waxa ay ku warrantay in Saraakiisha Mareykanka ee Blinken wehelisa iyo weriyaasha socdaalka qaybta ka ah ay ‘god’ ku carareen markii uu iyaga oo quraacanaya uu soo yeedhey qeylada gantaal ka yimi Lubnaan.

Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hogaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo gaadho xabad-joojin iyo heshiis isdhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya Israel iyo Xamaas ayaa guuldareystay diidmada Netanyahu ee ah in uu joojiyo dagaalka.

Tirada dhimashada Qasa waxa ay kor u dhaafaysaa 42.7k, halka dhinaca Lubnaana ay ka badan tahay 2500 oo ruux.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More