Xoghayaha gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha shacabka oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Feb 11  (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ka dhacay degmada Xamar Jajab ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ka dhacay waaxda Gaheyr ayaa lagu beegsaday Xoghayaha Xafiiska gudoomiye kuxigeenka 2aad golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxo bistoolado ku hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarkan fuliyay, iyagoo ku guuldareystay iney waxyeelo u geystaan Xoghaye Maxamuud Xadiis Maxamed oo si dirqi leh uga baxsaday goobta.

Ciidamo boolis iyo nabad sugid ah oo tagay goobta weerarka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo ku guuldareystay iney soo qbataan danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.

Ciidamadda ayaa sidoo kale isagoo Shoogsan goobta ka waday Xoghayaha, waxeyna geeyeen xarunta baarlamaanka oo aan sidaasi uga sii fogeyn halka lagu beegsaday.

Isku daygan dilka ah uu ka badbaaday Maxamuud Xadiis oo ah Xoghayaha gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha shacabka ayaa kusoo beegmay sanad kadib markii la dilay Cabdi raxmaan Abshiroow oo ay walaalo yihiin Gudoomiye kuxigeenka, ayna hal xafiis ka wada shaqeynayeen mr. Xadiis, weerarkaaesi hore waxa uu dhacay 7-dii November sanadkii 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More