Xogta cida ka danbeysay dilka Madixii ciidanka Nukliyeerka Ruushka
Dec 18 ( Jowhar) Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa Talaadadii lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed.
Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen.
Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.
Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine.
Isniintii, hay’adda Amniga ee Ukraine, ee SBU, ayaa furtay baaritaan dembi oo ka dhan ah, ayadoo ku eedeysay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay.
Sarkaal u hadlay SBU ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay weerarka.
Sarkaalka, oo codsadey in aan magaciisa la shaacin maadaama aanan loo ogoleyn in xaaladda uu ka hadlo, ayaa Kirillov ku tilmaamay “Dambiile dagaal iyo bartilmaameed sharci ah.”
SBU waxa ay sheegtay in ay diiwaangelisay in ka badan 4,800 oo jeer inta jeer ee Ruushku uu hubka kiimikada u adeegsaday goobaha dagaalka tan iyo markii uu sida buuxda u soo galay February 2022 Ukraine.
Bishii March, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay isticmaalka chloropicrin kaasoo loo adeegsadey ciidmada Ukraine. Gaaskan sunta ah ayaa markii ugu horreysay la adeegsadey dagaalkii 1-aad ee adduunka.
Ruushka ayaa beeniyay in uu wax hub sun ah u adeegsaday Ukraine, waxana uu ku eedeeyay Kyiv in ay suntan iyadu u adeegsatay dagaalka.
Kirillov, oo qabtay shaqadiisa hadda 2017, wuxuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee eedeymahaas loo soo jeediyey.
Waxa uu qabtay warbixino badan oo uu ku eedeeyay millatariga Ukraine in ay adeegsadeen walxaha sunta ah oo ay qorsheynayaan in ay ku qaadaan weeraro walxo shucaac ah – sheegashooyinkaas ayey Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka isku fogeeyeen iyagoo ku tilmaamey dacaayad aan raad laheyn.
Bamkii loo adeegsaday weerarkii Talaadada maanta ayaa ahaa mid laga hagaayey meel fog, sida ay sheegayaan wararka Ruushka ka imanaya.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay daaqado burburay iyo darbiyo gubtay.
Hay’adda ugu sareysa baarista ee Ruushka ayaa sheegtay inay baarayaan dhimashada Kirillov oo ay ku sheegeen kiis argagixiso, waxaana saraakiisha Moscow ay wacad ku mareen inay ciqaabi doonaan Ukraine.