Xogta safarka Erdogan ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dec 17  ( Jowhar) Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Racep Tayyip Erdogan uu booqan doono dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya horraanta sannadka soo socda. Weli lama sheegin taariikhda ay ku aaddan tahay booqashadiisa.

Haddaba maxaa lagu micnayn karaa socdaalka uu Erdogan ku imaanayo geeska Afrika?

Sannadihii u dambeeyey Turkigu wuxuu aad u kordhiyey galaangalkiis qaaradda Afrika, meelaha aadka looga dheehan karana waxaa ka mid ah Soomaaliya oo dano kala duwan ay isku qabaan.

Albaabada ganacsiga ee labada dal ayaa si weyn u furmay tan iyo markii uu Erdogan booqashadiisii ugu horreysay ku tegey Muqdisho 2011. Shirkadaha Turkiga ayaa bilaabay inay maalgashadaan Soomaaliya, qaarkoodna waxay heleen qandaraasyo heer sare ah oo ay ku maamulayaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Dhanka kale, ganacstao badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo ka furtay Turkiga, boqollaal kalena Tukriga ayay ka dhigteen hoyga waxbarashada sare iyo caafimaadka.

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa noqotay albaabka uu Turkigu ka galayo Bariga Afrika iyo dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Dhanka Itoobiya dano ganacsi ayey labada dalba wadaagaan, ayadoo dhanka milaterigana ay Itoobiya ka heshay qalab ay ka mid yihiin dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Turkigu sameeyo, kuwaasoo qayb weyn ka noqday guusha ay xukuumadda Abiy Axmed ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay TPLF.

Waxaa kale oo ganacsiga Turkiga iyo Itoobiya ka faa’iiday oo fursado shaqo ka helay dad lagu qiyaasay ilaa 30,000 oo qof oo Itoobiyaan ah.

Socdaalka Erdogan ayaa loo arkaa mid uu danaha istaraatijiyadeed ee dalkiisa ku badbaadinayo maadaama laabada dalba ay dalkiisa xiriir la leeyihiin, xasiloonidooda iyo heshiiskoodana uu Turkigu ka faa’iidayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More