Xogta shir saddex geesood ah oo Asmara uga socda nadaxda Masar, Somaliya iyo Eritrea

Oct 10 (Jowhar)Shirka saddex geesoodka (Tripartite) ee Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa ka furmay magaalada Asmara.

Waxaa shirka looga hadlayaa arrimaha Amniga, Xasilloonida, Iskaashiga dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa shir gaar ah u socdaa oo lagu lafa-gurayo war murtiyeedka shirka, waxayna saxiixi doonaan heshiiska isbaheysiga saddex geesoodka Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More