Xubno Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay ciidamadda ku sugan gobolka Baay

Feb 27  (Jowhar)Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka goof gaduud buurey ee Gobolka Bay.

Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS.

Roobow Cabdiyow Xasan iyo  Nuurow Tukow Manuur ayaa intii ay Shabaab ka tirsanaayeen tababarro kala duwan ayey kusoo qaateen Degmada Bu’aalle.

Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS L/X/le Ahmed Maxamed nuur ( Ahmed Dhagey) ayaa Warbaahita u xaqiijiyay in xubnahaan ay iska soo dhiibeen meel qiyaastii 18 km u jirta Degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More