Xubno kamid ah guddiga joogtada ee golaha shacabka oo ka horyimid guddiga KMG-ka ee doorashhada loo xilsaaray
Nov 11 (Jowhar)-Illaa 10 xubnood oo ka mid ah 15-ka Guddoomiye ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid guddiga kumeel-gaarka ah ee ay magacaabeen guddoomiyaasha labada Aqal.
Waxay sheegeen in tallaabadani baalmarsan tahay Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka, taasoo horseedi karta qalalaase siyaasadeed.
Guddiga Kumeel gaarka ah ee 15-ka xubnood ayaa loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan diyaarinta Xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha.