Xukun lagu riday Ganacsade Rag uu Deyn Ku lahaa Ku Dacweeyey Shabaab

Feb 11(Jowhar) Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in Maxkamad Beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More