Xuutiyiinta oo gantaalo culus ku weeraray garoon diyaaradeed oo ku yaala Israel

Mar 25(Jowhar)-Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga ee kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah, ayaa war uu taleefishinka ka sii daayay subaxnimadii Talaadada ku sheegay, in garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil lagu garaacay laba gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo kala ah, Zulfiqar iyo Falastiin 2, sida uu ku sheegay hadalka uu jeediyay.

Garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil, waxaa uu ku yaalaa duleedka magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Saree waxa kale oo uu bayaankiisa ku sheegay, in ciidamada Xuutiyiintu ay markii labaad muddo 24 saacadood gudahood ah weerareen markabka Maraykanka ee USS Harry Truman iyo tiro maraakiib ah oo marayey badda cas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More