Xuutiyiinta Yemen oo ka hadlay khasaaraha duqeymo uu la beegsaday Mareykanka

Mar 17 (Jowhar)-Kooxda Xuuytyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegay in Mareykanka uu la beegsaday duweymo cusub, kuwaas oo laga fuliyay qeybo ka tirsan dalka, sida magaalooyinka Al Jaouf iyo Hudaydah.

Tirada dadka ku dhintay duqeymahaha uu Mareykanka Sabtidii ku garaacay Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sare ugu kacday 53 qof, oo 5 carruur ah ay kamid yihiin, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee kooxda.

Mareykanka ayaa mowjado duqeymo culus Sabtidi ku qaaday Xuutiyiinta, taas oo madaxweyne Donald Trump sabab uga dhigay, weerarrada kooxda hubaysan ay ku qaadayaan maraakiibta mara Badda Cas.

Washington ayaa sheegtay in xubno sarsare oo muhiim u ah kooxda ay kamid ahaayeen dadka la dilay, balse kooxdu weli ma xaqiijin warkaas.

Goobaha Sabtida la weeraray waxaa kamid ah magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen.

Kooxda ayaa bilowday bartilmaameedsiga maraakiinta iyagoo sheegay inay jawaab ugu bixinayaan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayaan duqaymaha Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More