Xuutiyiinta Yemen oo weeraray bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israel
Jan 07 ( Jowhar) Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen, Yaxya Saree, ayaa Isniintii sheegay in kooxda hubeysan ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israel.
Saree waxa uu sharaxay in XuuthiyiintaYemen ay beegsadeen markabka xambaara diyaaradaha Maraykanka ee “USS Harry Truman” oo siday laba gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo 4 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kaasoo sugnaa waqooyiga Badda Cas, isagoo xusay in Maraykanku uu qorsheynayay inuu weeraro Yemen, isla markaana ay “ fashiliyeen isku daygoodii. ”
Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen bartilmaameedyo ciidan oo ku yaalla Jaffa iyo Ashkelon oo ku yaalla bartamaha Israel, halka wargeyska Times of Israel lag aleeyahay uu sheegay in ciidammada Israa’iil aanay soo sheegin wax xog ah oo la xiriirta in Israa’iil weerar looga soo qaaday dhanka Yemen.
Sidoo kale, afhayeen u hadlay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa sheegay in uu caasimadda Yemen u tagay dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda sii xumaanaysa, waana booqashadiisii ugu horreysay ee muddo laba sano ah ku dhow