Xuutiyiintq Yemen oo dishay 70 Askari oo la shaqeynayay Mareykanka iyo Israel
Aug 10( Jowhar.com)-Sida laga soo xigtay Jeneraalo Mareykan ah iyo ilo Sirdoon oo kusugan Barriga Dhexe, Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa dilay 70 Askar iyo Calooshod u shaqeystayaal iskugu jira oo kumaandoos ahaa, kana tirsanaa USA iyo Israaiil, oo la doonayay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyaan gudaha Yemen.
Col. Douglas MacGregor oo ah Sarkaal howlgab Mareykan ah, ayaa sheegay in ay Xuutiyiinta dhammaan laayeen, askartaas oo qorshe culus ka fulin lahaa gudaha Yemen, iyagoo xeebaha Yemen kagalay aag banaan, laakiin uu basaasay dayax Gacmeed ay dawladda Ruushka leedahay, ka dibna Iiraan ay xogta u gudbisay Xuutiyiinta Yemen.
Howlgal qorsheysan ayaa Kumaandooskan loo diray, kaas oo u muuqda in uu ahaa Ismiidaamin, laakiin Xuutiyiintu aad uga hortageen.
Muuqaalo lagu wadaagay Barta X ee Twitter la oran jiray ayaa muujinaya Ciidan hubeysan oo Yemen ah oo meydad daadsan dultaagan, kuna dhawaaqaya Allaahu Akbar.