Zelensky: Ma jiro go’aanno ku saabsan Ukraine iyada oo aan laga soo gelin Kyiv iyo Yuru
Feb 15 (Jowhar)-Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine aysan marnaba aqbali doonin heshiisyo nabadeed oo la sameeyo iyaga oo aysan ku lug laheyn ama ka danbeyn – fariin cad oo ku socota madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo doonaya inuu soo afjaro khilaafka kala dhaxeeya Ruushka.
Mr. Zelensky oo khudbad ka jeediyay shirka ammaanka ee Munich ayaa ku booriyay Yurub inay sameystaan ciidamo u gaar ah, isagoo ku dhiirigeliyay madaxda qaaradda inay ka tashadaan aayahooda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidamada Ukraine oo kaliya aysan ku filneyn ammaankooda.
“Ukrayn waligeed ma aqbali doonto heshiisyada gadaasheenna lagu sameeyo iyaga oo aan ku lug lahayn. Isla xeerna waa in lagu dabaqaa dhammaan Yurub,” ayuu yidhi.
Hadalka Mr. Zelensky ayaa daba socday kulan talefoon ah oo dhex maray Mr. Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin horaantii todobaadkan, kaas oo ahaa wadahadalkii ugu horeeyay ee dhex mara hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Ruushka tan iyo markii uu Ruushku si buuxda u weeraray Ukraine bishii February 2022. Waxay muujiyeen rajada ay ka qabaan kulan mustaqbalka ah, oo ay u badan tahay in lagu qabto Sucuudiga.
Maamulka Trump ayaa qaar ka mid ah xulafada Yurub ku reebay in ay u tanaasulaan Mr.Putin oo ay qarashka ku bixinayaan Ukraine ka hor inta aysan bilaabmin wada xaajoodka,inkastoo hadalada qaar ka mid ah madaxda sare ee Mareykanka ay abuureen jahawareer.
Mr. Zelensky waxa uu saadaaliyay in Kremlin-ka ay isku dayi doonto in ay ku qanciso Mr. Trump ka qayb galka xuska 9-ka May ee Ruushka ka dhacaya Moscow, taas oo u dabaaldagaya guushii Soofiyeedka ee dagaalkii labaad ee aduunka oo sanad walba dhoolatus ciidan ku soo bandhigo fagaaraha cas.
Wuxuu uga digay ka qaybgalayaasha shirka inay “khatar tahay” haddii Mr. Trump uu la kulmo Mr. Putin ka hor kulankooda.
Hogaamiyayaasha Yurub, waxa uu hordhigay su’aalo culus, isaga oo waydiinaya in ciidamadooda qalabka sida ay diyaar u yihiin haddii Moscow ay bilowdo hawlgal toos ah ama “calan been abuur ah”.
Erayga dambe waxa uu tilmaamayaa hawlgallada loo dejiyay in ay u muuqdaan in ay fuliyaan koox aan ahayn kan ka masuulka ah.
“Haddii dagaalkan (Ukraine-Ruushka) uu ku dhammaado si aan wanaagsanayn, isaga (Putin) wuxuu heli doonaa xad-dhaaf ah askarta dagaalka adag ee u tababaran dilka iyo bililiqada,” ayuu yidhi, isaga oo tixraacaya warbixinnada sirta ah ee tilmaamaya in Ruushku qorsheynayo inuu ciidamadooda u diro Belarus xagaagan.
“Sida aan ku jirno dagaalkan oo aan aasaaska u dhigno nabadda iyo amniga, waa inaan dhisnaa ciidamada qalabka sida ee Yurub.”
Volodymyr Zelensky wuxuu muujiyay, “Waxaan rabnaa nabad aad u badan,” ka dib markii uu la kulmay JD Vance.