Nin Al-Shabaab qaraxyada u soo galin jiray Muqdisho oo la xukumay.

June 19 (Jowhar.com)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday nin lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, kaasoo ka tirsanaa Shabaab saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Nikan oo lagu xukumay 15 -sano oo Xabsi Ciidan ah, ayaa loo heystaa Qarax uu u soo waday Muqdisho oo Bajaajtiisa kula Qaraxday, waxa uuna ka soo Qaaday deegaanka Tabeelaha Sheikh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida maxkanadu ay sheegtay, ninka Muddo ayey Nabad-Sugidda Daawaynaysay,maadaama qarixii uu waday uu ku dhaawacmay, waxaana Maxkamadayntiisa ay bilaabatay Horaantii bisha aynu ku jirno ee June, iyadoo ugu danbeyn maanta la soo gaba gabeeyay kiiskiisa.

Ninkan la xukumay ayaa Beledweyne Alshabaab kaga Biiray 2019-kii, “Spare parts” ama agabka Gawaarida iyo Qaraxyada ayuu Alshabaab u kala Gudbin jiray, sida uu maxkanada kahor sheegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More