Nin isku gubay afaafka hore ee Maxkamada qaadaysa dacwada DonaldTrump

Nin Isku Gubay Afaafka Hore Ee Maxkamada Qaadaysa Dacwada DonaldTrump

April 19 (Jowhar.com)-Nin ayaa isku gubay bannaanka hore ee maxkamadda Manhattan ee magaalada New York oo ay ka socoto dacwadda madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Dhacdadan ayaa dhacday galabnimadii Jimcaha, iyadoo maalintii afraad ee dacwadda Trump ay socoto.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ninka oo holcaya bannaanka hore ee maxkamadda, isaga oo ku dhex jira beer lagu nasto oo waddada ku taal.Ninka isku gubay ayaa xaaladiisu aad u liidataa, sida ay booliisku sheegeen .

Madaxa danbi baarista ee NYPD Joseph Kenny ayaa sheegay in booliisku aysan go’aamin in dhacdadani ay la xiriirto maxkamadeynta Trump.

Waxa uu sheegay in ninkan uu dhacdadan ku baahiyay baraha bulshada, islamarkaana internet-ka uu ku jiro ay qeyb ka noqon doonto baaritaanka socda.Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay xeyndaabka goobta ay maxkamadaynta Trump ka socoto.

Trump waxa uu wajahayaa eedeymo culus oo la xiriira lacag uu bixiyay taasoo uu siiyay jilaaga aflaanta Stormy Daniels.
Dacwaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee lagu maxkamadeeyo madaxweynihii hore ee Mareykanka taariikhda dalka.

Maxkamada qaadaysa dacwada Trump ayaa soo gabagabeysay xulashada xeerbeegtidaoo ka kooban 12 qof iyo lix kale oo keyd ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More