Nin lagu eedeeyay inuu dhiigga ka dhuuqi jiray carruurta oo lagu xirey Kenya

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamad Booliska dalkaas ay xireen nin 20 jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu dilay 10 carruur ah.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala ayaa qirtey inuu falal isugu jira kufsi,dil iyo weliba inuu dhiiqa ka dhuuqi jirey carruurta inta uusan dilin.

Warbixin ay daabacday waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sharaxay sida uu ninkan u fulin jirey dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta.

“Dad-cunkan wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”.ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska dembi-barista ah ee Kenya, ayaa sheegay in habka uu dilalka u sameyn jiray ninkan ay tahay mid naxdin leh. Wuxuu qirtay inuu “ceenjinayay carruurta isaga oo isticmaalaya sun kiimiko ah, ka hor inta uusan dilin,” sida ciidanka laga soo xigtay.

“Ninkan xun ee sida qarsoon dilaaga u ahaa, wuxuu laba wiil ka afduubtay Kitengela iyo Mlolongo. Wuxuu u dhigay shirqool dil, wuuna ceejiyay, ka dibna wuxuu maydkooda ku tuuray bullaacad. Weli maydadkooda lama helin”, ayey qoreen booliska baaraya dembiga ninkan ku eedeysan yahay.

Maydadka laba ka mid ah dhibanayaashii uu dilay ayaa laga helay deegaanka Kabete, oo ku taala agagaarka magaalada Nairobi.

Masten Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay waddada Kitengela ee caasimadda Nairobi, ka dib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in isla wadadaas lagu waayay laba carruur ah.

Kiisaska afduubyada la xiriira carruurta ayaa ku badanayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booliska ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan carruur badan, balse kuwa badan oo ka mid ah waxaa la helay maydadkooda.

Booliska ayaa dhowaan sameeyay ciidamada gaar ah oo loo xil saaray ka hortaga kiisaska afduubyada ee ku soo badanaya Kenya, xilli ay waaxda dambi baarista sheegtay in arrintan ay khalkhal-gelinayso amniga guud ee dalka.
Xigasho;BBC Somali

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More