Nin loo haysto dil iyo dhaawac uu u geystey 16 bisadood

Nin British ah ayaa lagu helay dambi ah weerar loo adeegsaday toorey oo lagu qaaday 16 bisadood ama mukulaal magaalo xeebeedka Brighton, koonfurta England, sida uu sheegay booliska Sussex.

Steve Bouquet, oo ah 54 jir waardiye ah, ayaa weeraray bisadaha xayawaanka muddo sagaal bilood ah meel u dhow gurigiisa laga bilaabo Oktoobar 2018.
Sagaal ka mid ah bisadaha ayaa mindi lagu dilay, halka toddobo kale ay ka badbaadeen balse ay dhaawacmeen.

Hase yeeshee Bouquet ayaa dafirey dambigan lagu helay kadib markii la soo taagay maxkamada Chichester Crown Court Arbacadii kadib dacwad qaadis siddeed maalmood qaadatay iyadoo xukuna dambigiisa lagu dhawaaqayo 12ka bishan July.

Xeerbeegtida ayaa dhagaysatay sida milkiilayaasha bisadaha ay kumaan dollar ku bixiyeen daawada bisadihii badbaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More