Nin loo haysto inuu faafiyay Sirta Ciidamada Maraykanka oo maxkamad la soo taagay

Apr. 14 (Jowhar.com)-Jack Teixeira oo ah nin dhalinyaro ah oo21 jir ah kanaa tirsanaa Ilaalada Qaranka ee Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa la soo taagay maxkamada magaalada Boston isaoo lagu soo eedeeyay inuu internetka ka faafiyay xog sir ah oo sir ah oo milateri ah.

Intii lagu jiray dhageysiga gaaban, Jack Teixeira waxaa lagu wargeliyay inuu wajahayo laba eedeymo oo ah inuu ku faafiyay internetka dukumeenti qarsoodi ah.

Labada eedeymo waa haynta aan la ogolayn iyo gudbinta macluumaadka difaaca qaranka iyo ka saarista aan la ogolayn iyo hayashada dukumeenti ama walxo sir ah, sida ku cad warqadaha maxkamada.

Garsooraha ayaa u muddeeyay dhageysiga dacwada Teixeira Arbacada soo socota isagoo xabsiga ku sii jiri doona tan iyo mudadaas.
Jack Teixeira Waa 21-sano jir waana shaqaale ka tirsan Ilaalada Qaranka ee Ciidanka Cirka ee Mareykanka Waxaa lagu xiray Waqooyiga Dighton, Massachusetts, bannaanka guriga qoyskiisa.

Qoyska Teixeira waxay leeyihiin taariikh shaqo oo ciidan, saaxiibadiina waxay sheegeen inuu muddo dheer doonayay inuu ku biiro militariga

Teixeira ayaa la sheegay in markii ugu horeysay uu ku faafiyay faylalka goobta lagu sheekeysto ee Discord. Mid ka mid ah xubnaha chatroomka ayaa ku tilmaamay Teixeira nin da’yar, oo xiiseeya hubka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More