Nin looga shakisan yahay dilkii Khashoggi oo lagu xirey magaalada Paris

Nin Sacuudiyaan ah oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka weriye Jamal Khashoggi ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, sida ay booliisku sheegeen.

Khaled Aedh Alotaibi ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Charles-de-Gaulle ee magaalada Paris maanta, sida ilo booliis ah ay u sheegeen.Waxa uu ka mid yahay 26 qof oo Sucuudiyaan ah oo Turkigu uu u doondoonayo dilka wariyaha.

Ninkan oo 33-jir ah ayaa hore uga mid ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa ku socdaalayay magaciisa, waxaana la dhigay xabsi maxkamadeed sida idaacada RTL ay sheegtay.

Khashoggi, oo ah nin si weyn u dhaleeceeya dowladda Riyadh, ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar sanadkii 2018.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weriyihii hore ee Washington Post lagu dilay “hawlgal aan sax ahayn” oo ay fuliyeen koox wakiillo ah oo loo diray si ay uga dhaadhiciyaan inuu ku laabto boqortooyada.

Laakiin saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in wakiillada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa dowladda Sacuudiga.

Dilkan ayaa sababay buuq iyo sawaxan caalami ah, waxaana uu dhaawacay sumcadda dhaxal sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan. Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa siddeed qof oo aan la magacaabin ku xukuntay dil sannadkii 2019.

Shan ka mid ah ayaa lagu helay inay si toos ah uga qayb qaateen dilka, waxaana lagu xukumay xukunno dil ah oo markii dambe laga dhigay 20-sano oo xabsi ah, halka saddex kalena lagu xukumay toddoba illaa 10 sano oo xabsi ah. si loo qariyo dambiga.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Agnès Callamard ayaa ku tilmaantay maxkamadayntan inay ka soo horjeedo caddaaladda.

Warbixin dhaleecayn ah oo la daabacay 2019, ayay Ms Callamard waxay ku soo gabagabaysay in Khashoggi uu ahaa “dhibaanaha dil ula kac ah, oo la sii qorsheeyay” kaas oo dawladda Sucuudigu ay mas’uul ka ahayd.

Warbixinta Ms Callamard ayaa lagu sheegay in dacwad oogayaasha Sacuudiga ay amar ku bixiyeen in lasoo xiro Mr Alotaibi taasoo qeyb ka ah baaritaanka dilka Khashoggi balse ugu dambeyntii ay go’aansadeen in aan dacwad lagu soo oogin.

Warbixinta ayaa lagu magacaabay Mr Alotaibi inuu xubin ka yahay Ilaalada Boqortooyada, oo ah cutub ka tirsan ciidamada militariga Sacuudiga.

Waxa ay sheegtay Alotaibi in uu Istanbul yimid 2-dii Oktoobar uuna ku sugnaa guriga qunsuliyadda guud ee Sucuudiga intii uu socday dilka Khashoggi, oo aanu ku dhex jirin qunsuliyadda.

Sacuudi Carabiya ayaa diiday codsi ah in Mr Alotaibi loo gacan geliyo Turkiga, halkaas oo lagu maxkamadeynayo isagoo maqan oo ku sugan Istanbul oo lagu eedeeyay dil.

Laakin talaadadii, ilo booliis ah ayaa xaqiijiyay in mas’uuliyiinta Faransiiska ay fuliyeen amarka lagu soo xirayo Turkiga. Mr Alotaibi ayaa la xiray xilli uu doonayay inuu u duulo magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga.

Ms Callamard, oo hadda ah xoghayaha guud ee Amnesty International, ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in xariga “ay noqon karto horumar weyn oo laga gaaray raadinta caddaaladda”.

Hatice Cengiz, gabadhii uu doonayey Khashoggi markii la dilayey, ayaa soo dhaweysay xariga, waxayna ku boorisay Faransiiska inay isku dayaan dambigiisa, ama ay u gacangeliyaan waddan awood u leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More