Nin Soomaali ah oo loo xiray dil uu Canada ugu geystay Soomaali kale

June. 23 (Jowhar.com)-Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa lagu dilay nin Soomaali ah oo ku sugnaa guri ku yaalla xaafadda Etobicoke oo ah xaafad ay ku badan tahay Soomaalida.

Booliska Toronto ayaa sheegay inay xireen qof ku eedeysan dilka.

Marxuumka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Siciid Maxamed oo ahaa 55 jir, iyadoo booliska ay wadaan baarista sababta loo dilay ninkan oo dhawaan uun tagay magaaladaasi Toronto.

Haweeney sarkaal boolis ah oo durba tagtay goobta ayaa sheegtay inuu ninkaasi ku dhintau Fal rasaas la xiriiray oo ka dhacay dhisme ku yaala halkaasi, iyagoo soo bandhigay ninka loo heysto dilkaasi.

Cabdi Casiis Cabdi oo 46 sano jir Soomaali ah ayaa u xiran kiiskan, kaasoo booliska ay sheegeen inuu ka dnabeeyay dilkan, isagoo maxkamad la horgeeyay.

Dhacdadan ayaa noqoneysa dilkii 25aad ee ka dhaca Goronto sanadkan kaliya, Soomaalida ku nool magaaladaasi ayaa la yaaban in ninka la dilay iyo kan wax dilayba ay yihiin laba qof oo da’ ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More