Ninkii ka dambeeyay qaraxii Madaxweyne Xasan oo duqeyn lagu dilay.

0
106

Sep 09(Jowhar)-Sida lagu shaaciyay War saxaafadeed goordhow ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA howlgal qorsheysan oo galabta ka dhacay deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ayaa lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan AS, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo loo yaqaano magacyo afgarasho dhowr ah sida (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).

Horjoogahan ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay (Mastermind) qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta 18 bishii Maarso ee sanadkan 2025, kaasoo lala beegsaday Kolonyadii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in gaari NOAH oo uu la socday Horjoogahan lagu duqeeyay agagaarka deegaanka Ugunji oo hoos-tagta degmada Qoryooley, wararka ayaa intaa ku daraya in duqeynta uu fuliyay Mareykanka oo kaashanaya Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo in muddo ah lala socday xogta dhaq dhaqaaqa horjoogahan.