Ninkii kashifay sirtii Maraykanka ee Ciraaq iyo Afganistan oo xabsiga laga sii daayey

Jun 25(Jowhar.com)-Ka dib sanado badan oo hawlo sharci ah, Wikileaks ayaa sheegtay in aasaasaha Julian Assange uu ka tagay UK ka dib markii uu heshiis la gaaray mas’uuliyiinta Mareykanka, taas oo dhalinaysa inuu qirto dambiga lagu soo oogay lana sii daayo.

Assange, oo 52 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu maleegayay inuu helo oo uu shaaciyo macluumaadka difaaca qaranka.

Muddo sanado ah, Maraykanku waxa uu ku doodayay in faylasha Wikileaks, ay daaha ka qaadeen macluumaadka ku saabsan dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan kuwaas oo galis nololeed sameeyey.

Assange ayaa shantii sano ee la soo dhaafay ku jiray xabsi ku yaalla Ingiriiska, halkaas oo isaga iyo kuwa u ololeeya ay diidanayeen in loo gacan geliyo Maraykanka.

Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS ee Mareykanka, Assange wax waqti ah kuma qaadan doono xabsiga Mareykanka, wuxuuna heli doonaa qaddarin waqtigii uu ku xirnaa UK.

Assange wuxuu ku laaban doonaa Australia, sida ku cad warqad ka soo baxday waaxda cadaaladda.

Barta X, oo hore loo oran jiray Twitter, oo soo xiganaysa Wikileaks waxay sheegtay in Assange uu ka baxay xabsiga Belmarsh Isniintii ka dib kun iyo sagaal boqol iyo dheeraad maalmood oo uu ku jiray qol yar.

Intaas ka dibna “siidayntiisa wuxuu aaday garoonka Stansted galabnimadii, halkaas oo uu ka raacay diyaarad kana dhoofay UK” si uu ugu laabto Australia, ayaa warku intaas ku daray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More