Tuesday, February 3, 2026
Home NEWS NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Shabaab ah oo loosoo diray weeraro...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Shabaab ah oo loosoo diray weeraro ay ka fuliyaan Muqdisho

1324

Nov 27(Jowhar)- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.

Xubnahan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon.