NISA oo howlgal culus ka sameysay magaalada Baydhabo.

Nov. 19 (Jowhar.com) -Ciidamadda Nabad Sugida ee Koofur Galbeed ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, iyadoo howlgalkan intii uu socday uu saameeyay isu socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Howlgalkan waxaa si gaar ah looga sameeyay xaafadaha Isha, Bardaale, Horseed,Holwadaag iyo laamahooda kala duwan ee xaafadahaas.

Saraakiisha baaritaanadan hoggaamineysay ayaa sheegay iney kusoo qabteen tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu xiray Madaxtooyadii hore ee Baydhabo oo hadda ah Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xogaha la helayo ayaa sheegaya in Koofur Galbeed ay heshay xogo sheegaya in xubno Shabaab ah iyo qoysaskooda ay si dhuumaaleysi ah kusoo galeen magaalada Baydhabo, taasoo keentay in howlgalo culus oo aan kala joogsi leheyn laga fuliyo halkaasi.

Xubnahan ayaa la rumeysan yahay iney isaga soo carareen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug oo Shabaab dagaal culus uga furan yahay, iyagoo ka soo baxsaday duqeymaha culus ee halkaasi ka jiro.NISA oo howlgal culus ka sameysay magaalada Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More